Shabaabkii laga saaray qaar kamid ah gobolada dalka oo la sheegay in Muqdisho soo galeen

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho qeybo kamid ah soo galeen qaar kamid ah dagaalyahanadii Al Shabaab ee dagaalada looga saaray deegaano iyo degmooyin katirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Muqdisho soo galeen Al Shabaabkii dagaalka looga saaray deegaano gobolada dalka katirsan.

Waxa uu sheegay Yaboob ay heleen xogo ku aadan in xubno badan oo katirsan Al Shabaab kana soo cararay gobolada dagaalka looga soo horjeedo ka socdaan soo galeen Muqdisho, si ay gabaad uga dhigtaan ugana abuuraan khalkhal amni xumo.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka in il gara ah ku hayaan Shabaabka Xamar soo galay kana shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa.

Hadalka masuulkan katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, waxaana qaar kamid ah xubnihii laga saaray deegaanadaasi la sheegay in Muqdisho soo galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -