Ra’isul Wasaare iyada oo aflagaado geesaneysa la maqlay oo Raaligelin bixisay

Ra’iisal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa fadeexo dhaxda ka gashay, kaddib markii iyada oo hortaagan baarlamaanka dalkaasi aflagaado u geesatay siyaasi mucaarad ku ah dowladda ay hoggaamiso.

Jacinda Ardern, ayaa si hoose looga maqlay codkeeda aflagaado xilli ay ka jawaabeysay su’aal uu weediiyay David Seymour, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi, waxaana aflagaadada ay geesatay ra’isul wasaaraha abuuray hadal heyn badan.

Ra’isul wasaaraha New Zealand ayaa kaddib markii ay soo gabagabaysay jawaabta su’aasha la hordhigay waxaa la maqlay codkeeda iyada oo si hoose ugu dhawaaqaysa erayadaan “doqon kibir badan”.

Aflagaadada kasoo yeertay ra’isul wasaare Jacinda Ardern ayaa abuurtay hadal heyn badan iyo carro, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaameen mid aan dulqaad laheyn oon u qalmin in ay hoggaamiso New Zealand.

Ra’isul wasaare Jacinda Ardern, ayaana si deg deg ah raaligelin uga bixisay aflagaadada ay u geesatay siyaasiga mucaaradka ah, waxa ayna ka cudur daaratay hadalada la dhibsaday ee afkeeda kasoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -