Khasaaraha dagaalkii shalay dhexmaray ciidamada Galmudug & ahlu sunna oo kordhay

Xaaladda degaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb ayaa saaka, halkaasoo shalay ay ku dagaalameen ciidamada Galmudug oo gacan ka helaya kuwa dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dagaalka ayaa billowdey kadib makrii ciidamo Ahlu Sunnah ak tirsan ay fariisin ka sameysteen duleedka Dhuusamareeb, halkaasoo ay weerareen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkan ayaa la sheegey inuu sii kordhay, waxaana tirada dhimashadu ay gaartay in ka badan toban qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen labaatameyo kale oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Inkastoo xaaladu degan tahay haddana waxaa weli taagan cabsi laga qabo iney dagaalo kale dhacaan, iyadoo labada dhinac laga dareemayo abaabul ciidan

Maamulka Galmudug ayaa dhowaan uga digay hogaamiyeyaashii hore ahlu suna Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir iney ka waantoobaan abaabul ciidan oo ay ka wadaan degaano ka tirsan Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -