Dalka Masar wax badan oo aan horey u ogeyn ayaa hadda ka soo bartay!

Masar, waa dal weyn oo leh ilbaxnimo soo taxneyd kumanaan sano, tirada guud ee shacabka dalkaas waa in ka badan 100 milyan, Muslimiinta waa ka badan yihiin 90% halka 10%  ka yar yihiin Masiixiyiin. Caasimada dalka Masar oo loogu yeero Qaahira Alkubraa, waxa ay ka kooban tahay Cairo, Giza province, iyo Shubra El-Kheima of Qalyubia province.

Wabiga Nile ayaa kala bara labada magaalo ee Giza iyo Qaahira oo hada isku ah Qaahirada weyn. Caasimada Masar ee Qaahira waxaa ku nool in ka badan 10 Milyuun oo qof, waxaa u soo shaqo tago maalin kasta shan Milyan oo qof oo ka yimaada gobollada, kuwaas oo habeenkii hoyda.

Goobaha dalxiiska ee dalka Masar oo Qaahira ku yaalla intooda badan waxaa ka mid ah Ahraamaadka oo ah dhismo dhegexaan is dulsaaran oo ah raadkii ay ka tageen Faraacinada, Madxafka ilbaxnimada Masar oo ay yaalaan maydadka Faraacinada oo kamid ah Fircoonkii Qur’aanka lagu sheegay Ramsis II, Abu Hool iyo kuwo kale.

Qaahira Waa magaalada ugu weyn caasimadaha Qaarada Africa iyo weliba dalalka carabta. Waa magaalada laga heli karo malaayiin qof oo heysta shahaadada aqoonta ugu sareysa ee PHD-da. Qaahira waxaa ku yaala Jamaacado fac weyn oo qaarkood furan yihiin ka badan hal Qarni sida jaamacadaha Azarul Shariif, Qaahira iyo Caynul Shamsi University. Waa magaalo saxmad badan oo shidan yacni Shaqeysa 24-ka saac.

Qaahira waxaa ku yaala raadadakii ay ka tageen dowladihii Islaamka sida Cabaasiyiinta, Cuthmaaniyiinta iyo Faadumiyiinta, iyada oo magalaada Qaahira uu ku duugan yahay caalinkii weynaa ee Imaamu Shaafici oo ay Soomaalidu madhabtiisa heysato.

Masar oo ay Qaahira hoggaan u tahay waa dal si fiican ay u dhisan yihiin Kaabayaasha nolosha sida waddooyinka ilaa heer Tuulo, waxa uuna leeyahay Tareenada dhulka hoostiisa Mara ee loo yaqaan Metro, waana dal 24 saac aaney ka go’in korontada iyo biyaha.

Inkastoo dalka Masar aaney cunto yari iyo Macluuli ka jirin hadana dhaqaale ahaan wey gilgilanaysaa sababtoo ah waxaa jira sicir barar, waxaana cirka isku shareeray sarifka doolarka oo hadda maraya 100$ wax kabadan 3000 oo Ganiga Masaaarida ah.

Dadka Masaarida waa dad inta badan ka soo guuraya reer Miyi-nimada ayaga oo inta badan noqonaya dad reer magaal ah, waa dad Mujaamalo badan (been-guur badan) oo hadal Macaan, mana dareensiiyaan dadka shisheeye in ay joogaan dhul aan dalkooda ahayn.

Marka loo yimaado Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 10 kun oo qof oo isugu jira Arday, qaxooti Soomaaliya ka tegey iyo qurba joog ilmahooda kala soo cararay dalalka reer galbredka oo qaarkood guryo ka iibsaday Masar siiba Qaahira.
Xaafadaha Soomaalida ee Qaahira waxaa ka mid ah Nasry City oo ay ku yaalaan Maqaayadaha ugu badan ee Soomaalida iyo Goobo kale oo Ganacsi, Xaafada Arduliwa iyo Xaafada 6-da October oo dhaca Dhinaca Giza.

Soomaalida Masar ku nool waxay haystaan waxbarasho Bilaash ah, Amni iyo dadka Qaxootiga isku dhiiba oo hela dib u dejin dalalka Waqooyiga America iyo Yurub.

NUSOJ oo sabab u aheyd in aan Qaahira tago iyo Xarunta Qaahira ee nabadda iyo xalinta khilaafaadka (CCCPA) oo aan marti u ahaa ka sokow, waxa aan u mahadcelinayaa Al Ustaad Xuseen Saxnuuni, Dr. Xasan Jimcale, Cumar Teacher iyo Asxaab kale oo intii aan joogey Qaahira si sharaf iyo milgo leh ii soo dhoweeyey.

W/D Abdinasir Hersi Idle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -