Shirkadaha Diyaaradaha oo lagu amray in aysan Muqdisho kasoo qaadi karin dadka aan Gedo laga rebin

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa ku amray shirkadaha diyaaradaha ee taga gobolka Gedo in aysan magaalada Muqdisho kasoo qaadi karin dad uu tilmaamay in aan laga rebin gobolka Gedo.

Axmed Buulle ayaana uga digay shirkadaha diyaaradaha in ay soo qaadaan oo ay qasab ugu keenaan dad aysan raali ka aheyn oo aysan rebin, waxa uuna xusay dadka caadiga ah in shirkadaha soo qaadi karaan.

“Shirkadaha diyaaradaha, annaga iyo dowladdaba nidaam baan ka lahayn, nidaamkaas asaga ahna inuu shaqeeyo weeye, waxaana weeye annaga cid aanan rabin ama gobolkan u diidayno, lama keeni karo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaana sheegay in xoogga saarayaan adkeynta nabbad gelyada gobolka, waxa uuna xusay in ay diidan yihiin in loogu soo dhax dhuunto ay gobolka yimaadaan dad wax u dhimanaya nabad gelyada gobolka.

“Dadku muwaadiniin weeye, waa dad Soomaaliyeed, waana dad xaq u leh inay duulimaadkaas sameeyaan, laakiin wixii ammaan-darro keenayo, waxaan rabnaa in xuduudaha iyo garoonadaba aysan noo imaan baan rabnaa, go’aankaasna go’aan cad buu ahaa.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaana ugu hanjabay shirkadaha diyaaradaha ee jabiya ammarka ay soo saareen in ay kala laaban doonaan shaktiga ,waxa uuna faray in ay ilaaliyaan go’aanada ay soo saareen.

Ammarkan kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa imaanaya xilli siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo oo Muqdisho joogaan qorsheenayaan in ay tagaan degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -