Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo soo bandhigay Burcad & Ciyaal weeraro la soo qabqabtay

Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa sheegay iney gacanta Ku soo dhigeen soona bandhigeen eedeysanayaal gaaraya 51 oo ku kala eedeysan falal amni daro oo kala ah Burcad Hubeysan, Muqaadaraad iyo Ciyaal-weero.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in dhamaan raggan gacanta lagu soo dhigay iyaga oo falal amni daro gacmaha Ku la jira, kadib ashtako Ka timid muwaadiniin dhibaneyaal u ahaa falalkaas oo la soo xariiray Saldhigyada Boliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Howlgalka lagu soo qabqabtay burcadaan ayaa la qaaday inta u dhaxeysa 06/Dec/2022 ilaa maanta 11/Dec/2022, waxaana lagu soo kala qabtay eedeysaneyaal gaaraya ilaa 51 eedeysane oo dhamaantood rag dhalinyaro ah ;- Howlwadag 4, Hodon 2, Dayniile 4, Wadajir 10, Yaaqshid 20, Kaaraan 6, Dharkeynley 5 iyo Wardhigley 4. Halka, 4 ka mid ah oo Ku eedeysnaa Burcadnimo Afduub Xeeledeysanbah, loo wareejiyay Maxkamadda Awoodda u leh” ayuu yiri afhayeenka Booliska

“Waxaan Ummadda Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banadir iyo nawaaxigiisa ku wargelinaynaa inay la socdaan howlgalka, kana codsaneynaa inay garab nagu siiyaan gudashada waajibkaas” ayuu hadalkiisa ku soo xiray afhayeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaal Caan ah oo la jabsaday Telfoonadooda iyo Barnaamijka-ka loo adeegsaday oo La ogaaday

Cabdi Cade

Maamulka Puntland oo fariin adag usoo diray dowlada federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Wasiir Cali Xoosh oo su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Aqalka sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---