Khilaaf ba’an oo ka dhex qarxay Wasarada Isbooriga DF & Xirirka K/Cagta Somalia (Akhriso)

Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga DF iyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta kaasoo salka ku haya doorashada gudoonka cusub ee xiriirkaas.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay ineysan aqbali doonin doorasho hal dhinac ah oo loo qabto gudoonka XSKC.

“Wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo ka duulaysa xilka ka saaran Midnimada iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Ciyaaraha waxay caddaynaysaa inaan doorasho hal dhinac ah la aqbali doonin. Sida ku cad heshiisyadii ay horay u gaareen 21 September Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, gudiga Olombikadda iyo xiriirrada ciyaaraha dalka oo xiriirka kubadda cagtu ka mid yahay Wasaaraddu waxay leedahay kaalin kor-joogtayn iyo aqoonsi xalaalnimada doorashada xiriirrada kala duwan ee dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada.

Sidoo kale Wasaarada ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay doorashada gudoonka xiriirka kubada cagta in loo qabto si cadaalad ah oo daah furan.

“Si loo xaqiijiyo madax banaanida xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa lagama maarmaan ah in ay qabtaan doorasho la aqbali karo oo dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin sida ku cad dastuurka dalka iyo shuruucda xiriirka kubadda cagta” ayaa lagu soo xiray qoraalka ka soo baxay Wasaarada.

Go’aanka Wasaarada ayaa jawaab u ahaa qoraal uu caawa soo saaray guddiga doorashada Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya oo lagu sheegay inuusan jirin musharax soo buuxiyey shuruudaha doorashada hogaanka xiriirka, marka laga reebo, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo ah Guddoomiyaha xilka sii haya ee xiriirka Kubadda Cagta, taasoo ka dhigan ineysan jirin cid Gudoomiye Cali Shiine kula tartameysa doorashada.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA AY SOO KALA SAAREEN LABADA DHINAC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -