(Sawirro) Béatrice Stöckli oo 5 sano ka dib lafaheeda laga helay dalka Mali

Dowlada Switzerland ayaa sheegtay in ugu dambeyn la helay lafaha haweenay afar sano iyo dheeraad ka hor lagu afduubay dalka Mali ee ku yaalla galbeedka Afrika.

Béatrice Stöckli waxay ahayd gabar faafisa diinta Masiixiyadda oo ku noolayd magaalada Timbuktu waxaana af-duubtay koox islaamiyiiin ah sanadkii 2016.

Qof haweenayda lala afduubay oo la sii daayey sannadkii hore ayaa sheegay in Béatrice Stöckli ay dileen kuwii af-duubay oo ahaa urur Al-Qaacida xiriir la leh.

Lafaheeda oo loo gacan geliyey dawladda Mali ayaa markii lagu baaray hiddesideyaasha DNA lagu ogaaday inay kuwii haweenaydaa yihiin.

Béatrice Stöckli waxa af-duubtay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee l Jamaacat Nustrat Al-Islaam Wal Muslimiin.

Ciidamada Mali iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee nabad ilaalinta ayaa muddo ba dagaalo kula jiray jihaadiyiinta ka dhaqdhaqaaqa woqooyiga dalkaas tan iyo sannadkii 2012.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -