(Sawirro) Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday bartamaha Magaalada Rome

Nin ayaa rasaas ku furay xilli ay shir ku lahaayeen guddiga iskaashatada guryaha oo ku shirsanaa goob lagu qaxweeyo oo ku taalla waqooyiga magaalada Rome ee dalka Talyaaniga halkaasoo uu saddex qof ku dilay kuwa kalena ku dhaawacay.

Duqa magaalada Rome Roberto Gualtieri ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo amniga looga hadlayoi ka dib waxa uu ugu yeeray “dhacdadii ugu weyneyd ee rabshadaha ee ka dhacay magaalada.” Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen toogashada ka dhacday xaafadda shaqaalaha ee Fidene.

“Toogashadu waxay ka dhacday bannaanka baar lagu magacaabo” Il Posto Giusto,” ama “Meesha saxda ah.”

Wargeyska La Repubblica daily ayaa soo xigtay goob-jooge Luciana Ciorba, oo ah madaxweyne ku xigeenka guddiga iskaashatada guryaha oo sheegtay in ninku uu soo galay baarka isagoo ku qeylinaya “Waan idin wada dili doonaa dhammaantiin,” ka dibna uu rasaas ku furay.

Dadkii goobta ku sugnaa qabtay ninkii, waxayna ku guuleysteen inay hubka dhigaan ilaa booliiska Carabinieri ay yimaadeen, waxaana socda baaritaan la xiriira sababta ka dambeysay weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -