Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeneyda ugu afka weyn Haweenka Caalamka oo la shaaciyey (Sawirro)

Haweeneyda ugu afka weyn Haweenka Caalamka oo la shaaciyey

Maamulka Diiwaanka Mucjisooyinka iyo Dhacdooyinka La-yaabka Caalamka lagu kaydiyo ee Guinness World Records waxay xaqiijiyeen in diiwaan geliyeen Haweeneyda ugu afka ballaaran Dumarka ku nool dalalka Caalamka.

Samantha Ramsdell oo 31 jir ah, kuna nool Gobalka  Connecticut ee dalka Maraykanka ayaa ka mid ah Xiddigaha ugu caaansan Barta TikToK ee Warbaahinta Bulshada (The Social Media).

Waxaa Barteeda ku xiran Macaamil tiradooda dhan tahay   1.7 million TikTok followers.

Diiwaanka Guinness World Records waxa  cabirka afka Samantha Ramsdell ku sheegeen 6.56 Centimeters ama 2 iyo bar hiish (Inches), iyadoo marka afkeeda kor ahaan loo cabiray uu haaran in ka badan 10 cm ama 4 inches.

Markaynu si kale u dhigno, Ballaarka Afkeeda was 4.51 cm, halka dherer ahaan uu ka yahay 4.04 cm.

Haweeneydaasi waxay tilmaamtay inay had iyo jeer isku aqoonsanayd inay Afka weyn leedahay, balse, aysan ku dhawaaqin, ilaa ay TikTok-ga carruurta “Children TikTok” tilmaameen in laga yaabo inay iyada leedahay Diiwanka cabirka ee Afka, tasi oo ku dhiiratay inay isku diiwaan geliso.

“Marnaba kuma fekerin inay suurtogal tahay inaan caan ku noqon doono Afkayga” ayey tiri Samantha Ramsdell oo loo aqoonsday Haweeneyda ugu afka weyn guud ahaan Haweenka ku nool Caalamka.

W/Q Ustaad Nuradin

Related posts

Madaxweyne Macron oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay madaxda Milatariga Niger

Cabdi Cade

(Sawirro) Gabar uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan oo afduub & jirdil loo geystay

Caydiid Ali

Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan bixii Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---