(Akhriso) Sideed qodob oo sabab u ah guulaha Marooko ka gaartay Koobka Aduunka

1-Xulka Moroco markii horeba waxay  u badnaayeen ahaayeen dhalinyaro ka ciyaarta Yurub oo qaarkood ay ku dhasheen Dalalka Yurub, balse iska diiday inay u ciyaaraan Wadamada yurub oo ay cid kale ismoodaan .

Waxayna rabitaan dhab ah u qaadeen inay calanka dalkooda Marooko geeyaan koobka aduunka, wacdarana ka dhigaan, halka dhigooda ciyaartoyda Africa ay door bideen inay France, UK, Swisserland iyo kuwa kale u dheelan, oo waliba qaarkood sabab u noqdaan jabinta xulalkii dalalkooda.

2- Kalsoonida iyo qabka ay qabaan wiilasha Maroco oo aad u saraysa, iyagoo aanay haysan dareenka is liidista, aaminsana in waxa wiilka Cad kubadda ka keeno ka keeni karaan.  Qabka wiilasha Maroco wuxuu gaaray in gool haye Boono uu saxaafadda ka diido inuu ku hadlo waxaan Af-carabi ahayn isagoo markii ay yiraahdeen France ama Spanish ku hadal oo uu yaqaan ugu jawaabay, waa in tarjumaan aad wadataan, luqad aan Carabi ahayn afka soo marin mayo.

3- Kaalinta Waalidka Gaar ahaa Hooyooyinka : Hiilka iyo dhiirigelinta Waalidka ee garoonka ayaa ah mid qayb wayn ka ah guusha Maroco. Dhammaan taageerayaaasha Qadar iyo Carabta kale oo ku jiraan kuwa qaaradda Africa waxay garoonka ka taageerayaan Maroco. Amiirka Qadar garoonka ayuu ka ruxayaa calanka Maroco.

4- Tababaraha kooxda oo ah ciyaartooy hore dalkiisa u matalay oo aan Ajnabi ahayn, Xulkiisana sidii saaxiib u hogaaminaya, waa nin ilaa hadda lala yaabay kaarto ciyaarkiisa iyo sida kaarto kasta oo uu dhigo 100% ugu soo baxayso suu u dhigay.

Shir jaraa’id wuxuu sheegay in kooxdu rag ka mida dhaawac ahaayeen maadama ciyaaro kooxo naara kasoo gudbeen, balse wuxuu sheegay in dhalibyarada bedelka ay wacdare dhigeen, wuxuuna ugu bishaarayeeyay dadkiisa in koobka u soo urayo, ayna indhaha ku hayaan sidii ay koobka u hanan lahaayeen.

5- Gool hayaha dunida ka yaabiyay ee Bono waa sirta ugu wayn guusha Maroco. Dunidiu dhan waxaa la hadal hayaa siduu u yahay magnet aan kubadii dhaafayn, iyadoo ilaa hadda 1 gool oo saaxiibkiis si khalad ah uga dhaliyay mooyaane aan gool kale gelin shabaqiisa . Waa halyay qaran oo malaayiin Carab, Afrikan iyo Muslim farxad ku abuuray.

6- Mintid-nimada  ayaa ah arrin kale oo fure ah guusha Maroco. Goolka lagu diray Purtagal waxa uu ciyaaryahanka dhaliyay dhulka ka kacay mitiro, waana xirfad iyo naf hurnimo aan lagu aqoon badi ciyaaraha dunida 3aad, kana yaabisay ciyaaryahanada Yurub iyo Latin America .

7-Difaaca Marooko aad ayuu u adagyahay taasina waxay kalsooni siinaysaa gool hayaha, Waxa kale oo ay leeyihiin isku xirnaansho aad u saraysa oo ka dhaxaysa (Team work).

8- Dhadhanka guusha oo macnayaal badan u leh kooxda Maroco. Waa mar waxay matalayaan Qaarad dhan oo Africa ah , mar kale waxay matalayaan caalamka Carabta oo garoon dal Carbeed lagu ciyaarayo, mar kalena caalamka Islaamka, taas oo kooxda ka dhigtay kuwa isu arka libaaxyo lagu xisaabtamayo oo xulalkii umadahaas kasoo haray.

Mida kale, waxay ka adkaadeen ilaa 3 dalal Yurub gumaystayaal ah : Belgium, Spanish iyo Portugal. Waliba ha ilaawin in xinnif wayn ka dhaxayso Spanishka iyo Marocaanka. Dabcan waa gumayste hore oo dhul ka haysta Maroco, haddana waa cadawgii awoowayaasha wiilasha ciyaaraya kasoo saaray dhulkii Andulus ee ilaa manta ilbaxnimadii Muslimiintu ka muuqato.

Dhawrkan sababood ayaa loo aanayn karaa guusha taariikhiga ah ee xulka Moroco ugu gudbeen semi-finalka iyagoo saas ku noqonaya dalkii Africa matalaya , Carab iyo Muslim ee kaalintaas abid gaara .

By- Amiin Guuleed .

 

- Advertisement -