Cali Jeyte oo keenay Qorshe dadka reer Hiiraan uga nabad geli karaan Weerarada Al Shabaab

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa ku guuleestay in Al Shabaab ka saaraan deegaano badan oo katirsan gobolka Hiiraan, waxaana hadda suurto gashay in ay isku furmaan gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhaxe oo horey u kala xanibnaa.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlayay dadka deegaanka Moqokori ayaa ugu baaqay in ay adkeestaan nabadda ay hada heestaan, waxa uuna soo jeediyay qorshe ah in gabi ahaan Al Shabaab gobolka Hiiraan ka xawilaan.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte in ciidamada dowladda iyo kuwa deeegaanka wali ku jiraan is difaac, waxa uuna xusay in aan lagu jiri karin is difaac taa badalkeedana loo baahan yahay in hal mar Al Shabaab gobolka laga saaro loona xawilo gobolo kale si ay uga nabad galaan.

“Waxaan rabaa si cad inaan u qeexo labo bilood hadda ka bacdi difaac laguma jiri karo ee aan dagaalka iska xawilno naga fogeeya, runtaa idin sheegayaayee difaac laguma jiri karee dagaalka aan iska xawilno. Nimankaa reer adoogey ah aan ku xawilno, qolaadaa kale aan ku xawilno naga fogeeya baahalka”  ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa u muuqda mid ay ku doonayaan in Al Shabaab ka saartaan gobolka una raraan gobolada kale aysan wali ka jirin howlgalada si dadka reer Hiiraan uga dhamaato cabsida weerarada Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -