Daanyeer lagu daray Liiska dembiilayaasha loogu doontisa badan yahay dalka Japan

Booliska dalka Japan ayaa sheegay iney baadi goobayaan Daanyeer maalmihii la soo dhaafay weeraro ka geystay Degmada Orlgiru ee Gobalka Yamaguchi.

Daanyeerka la raadinayo ayaa Bishan July 8-dii waxaa uu uu dhaawac Xagasho ah u geystay ilmo yar, markii uu ugu galay Guriga.

Todobaad ka hor waxa uu Daanyeerku lugta ka xagtay gabar 4 jir ah, kadib, markii uu u galay qolka ay waalidkeeda ka deganaayeen Dabaqa Koowaad

Wakaalladda Wararka Japan ee Kyodo Nws Agency ayaa sheegtay inay Booliska Japan ku raad-joogaan Daanyeerkaasi oo ay u aqoonsadeen mid ka mid ah Dembiilayaasha ugu khatarsan ee laga baadi-goobayo dalkaasi.

Ciidamo Boolis ah ayaa loo qoondeeyey inay Daanyeerka soo xiraan, waxaana la xusay in Daanyeerka dhererkiisa u dhexeeya 40 ilaa 50 Centimeters.

Boliska Japan waxaa lagu khasbay inay galaan  Heegan Sare iyadoo dadka Rayidka qeylo-dhaan ka Keeneen Khatarta Daanyeerkaasi oo ilaa iyo hadda 10 qof dhaawacay.

Dadka waxaa looga digay inaysan ka tegin Daaqadaha guryahooda oo furan, si uusan Daanyeerka uga soo dusin, kana taxadiraan Khatarta Daanyeerkaasi loo aqoonsaday mid ka mid ah Dembiilayaasha looga doonista badan yahay dalkaasi.

- Advertisement -