Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Adenkule J.M.King iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Danjire Adenkule J.M.King, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Wakiilada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Arrimaha Qaxootiga, Soo Noqoshada iyo Barakacayaasha (IDPs) ahna Safiirka Dowladda Sieraliyon ee Dowladda Itoobiya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada,La-taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada waxaa Diirada lagu saaray Arimaha Barakacayaasha,Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay Saamaysay Abaarta ka dhacday Guud ahaan Dalka.

Danjire Adenkule ayaa macaawano loogu talagalay dadka barakacayaasha sidii wax loogu qaban lahaa ku wereejiyey Wasiirka Gargaarka iyo guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo u ambo baxay dalka Kenya iyo Xog ku aadan Ujeedka safarkiisa

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Cabdi Cade

Jubbaland oo kahor timid go’aankii Baarlamaanka eedeynta u jeedisay DFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---