Ciidamo badan oo dalka Dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa dalka ku soo dhameewayay cutub ciidanka daraawiishta booliiska Soomaaliyeed ah oo dhawwaan tababar mudo 3 bilood ah ku soo dhameystay Dalka Jabuuti.

Ciidankan ayaa horay bartamihii sannadkaan tababar loogu qaaday Dalka Jabuuti, gaar ahaan Xerada Ciidanka Boliiska Jabuuti ee IDRIS FARAH CABANE, halkaas oo ay Ku soo qaateen tababar la xariira xirfadaha Ciidanka.

Tababarkan ciidanka booliiska la siiyay waxaa gacan ka geesatay dowlada Talyaaniga, waxaana tababarka ciidanka siinayay saraakiil katirsan booliiska Talyaaniga.

Ciidamo badan oo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa tababaro kusoo qaatay dalka dibadiida iyo gudihiisa, waxaana ciidankan loo diyaariyay sugida amniga deegaanada Al Shabaab laga xureeyay.

- Advertisement -