Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo Weerar culus ku qaaday Deegaanka

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa saakay weerar ku qaaday degaan lagu magacaabo Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana deegaankaaso ku sugnaa xubno katirsan Al Shabaab.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka, waxaana labada dhinac ee dagaalamay soo kala gaaray khasaaro kala duwan .

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in weerarka saakay ku qaadeen deegaanka Oobaale ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab kuwa kalana ku dhaawaceen.

Waxa ayna saraakiisha sheegeen in Al Shabaab ka saareen deegaankii ay ku weerareen ayna wali ku daba jiraan firxadkooda, waxa ayna sheegeen in weerarkan qeyb ka ahaa howlgalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgaladii ugu dambeeyay ee ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Dhaxe kula wareegay degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo katirsan gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -