Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii Garawe Eedeyna u jeediyay Dowlada Federaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu  laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa isla markana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la’aan ku dhamaado.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada balse aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Dastuurka dib u habayntiisa ay tahay arin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliyah ay ka go’aan gaari karaan.

Arimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo.

Arimaha Amniga wuxuu xusay Madaxweynahu in aan heshiis lagu ahayn sidii dalka looga xorayn lahaa Al-Shabaab isla markana cid walba ay masuuliyad ka saaran tahay sugida amniga deeganadeeda maadama Dowladii Federaalku ayna diyaar u ahayn la dagaalkanka Argagixisada isagoo xusay in dhamaan Heshiisyadii la xiriiray Amniga ay Dowladu dhinac martay.

Khilaafka Galmudug ayuu sheegay Madaxweynahu in ay qayb ka ahayd wada hadalada balse Madaxda Dowlada Federaalku aysan diyaar u ahayn in xal waara laga gaaro.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay ilaaliyaan oo nabada ay haystaan ay ku fara adaygaan Dowlada Federaalkuna ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye deegaanka ay uga dhici lahayeen taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa hormarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda,

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbaland iyadoo looga gol leeyahay carqaladayda Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -