Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo kawada magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa howgiisa casuumad ugu sameeyay siyaasiyiin, waxgarad iyo ganacsato kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaana siyaasiyiinta ,waxgaradka iyo ganacsatada kasoo jeeda deegaanada Galmudug kala hadlay arimo badan ay ugu muhiim san tahay horumarka maamulkiisa ku talaabsaday iyo sida uu ugu baahan yahay taageeradooda.

Waxa uu u sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in uu u baahan yahay taageeradooda iyo garab istaagooda si Galmudug horey loogu mariyo wax badan uga qabto maamulka cusub uu hogaamiyo.

Siyaasiyiinta iyo xubnihii kale ee kulanka ka hadlay ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweyne Qoor Qoor shaqada adag uu ka qabtay mudada yar deegaanada Galmudug,waxa ayna u balan qaadeen Madaxweynaha in ay la shaqeyn doonaan.

Madaxweynaa Galmudug oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowlada federaalka, madaxda Siyaasiyiinta mucaaradka ,Diblumaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada Muqdisho.

- Advertisement -