Ciidamo gudaha u galay Isbitaalka Warsheekh iyo xiisad halkaasi ka taagan

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay ammar lagu xirayo isbitaalka degmadaasi, waxaana dhismaha isbitaalka saakay gudaha u galay ciidamo hubeesan.

Muddooyinkii dambe waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay maamulka degmada Warsheekh iyo maamulka Isbitaalka, waxaana khilaafka uu gaaray meel aad u xun oo lagu guul dareestay in xal laga gaaro.

Warqad kasoo baxday maamulka degmada Warsheekh ayaa lagu amray in isbitaalka la xiro ilaa xal laga gaarayo khilaafka taagan, waxaana warqada kaddib isbitaalka gaaray ciidamo hubeesan oo ka ammar qaata maamulka degmada, kuwaa oo amray in la xiro isbitaalka.

Khilaafka ka taagan maamulka Isbitaalka Warsheekh ayaa laga cabsi qabaa in gacan ka hadal isku bedelo, waxaana socda dadaalo odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada xal ugu raadinayaan khilaafka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -