Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Xijaar oo ka qeyb galay Meertada 24-aad ee Shirka Guud ee Ururka EAPCCO (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska ku sugan magaalada Addis ababaa ee dalka Itoobiya

S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galay meertada 24-aad ee Shirka Guud ee Ururka EAPCCO oo ka furmay magaalada Addis Ababa.

Shirka oo ay furtay Madaxweynaha Dowlada Federalka ee Itoobiya, Marwo Sahlework Zewde, ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee 14-ka dal ee ku bahoobay Ururka Iskaashiga Taliyeyaasha Booliska ee Dalalka Bariga Afrika (Eastern Africa Police Chiefs Cooperation Organization)

Waxaa shirkan diiradda lagu saaray sidii ay dalalka gobolku isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga ee ay ugu horreeyaan la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba iyo ka hortaga ganacsiga mukhaadaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda awqaafta & arrimaha diinta oo war ka soo saartay dhalashada bisha Shawal

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay doorashada uu kusoo baxay Macalimuu

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay xumbo maanta lagu arkay xeebta Liido

Caydiid Ali
Taboola Ads ---