Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay doorashada uu kusoo baxay Macalimuu

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo saakay loo doortay xildhibaan katirsan gollaha shacabka.

Rooble ayaa sheegay in Macalimuu dalka usoo shaqeeyay xilli marxalado adag dalka ku jiray, waxa uuna xusay in Macalimuu xilliyo kala duwan  u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa cadeeyay in Maxamed Ibraahim Macalimuu uu mudnaa in in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka ,Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed .

” Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay. Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay.” ayuu yiri Rooble.

Xildhibaan Macalimuu ayaa dhawwaan ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaari uu watay, waxaana maalmo kahor kasoo laabtay dalka Turkiga oo daaweyn caafimaad loogu qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -