Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo la ansixiyey & Xaliimo Yarey oo..(Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ,ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.

Dhinaca kale, Golaha wasiiradda ayaa cod aqlabiyad leh ku Ansixiyay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug.

Xubnaha Gudiga .

1- Xaliimo ismaciil ibraahim

2- Dr Yaasiin Cabdi Jaamac

3- Xersi Yuusuf  Barre

4- Khaliif Axmed Gabow

5- Amiira Daahir Maxamed

6- Maxamed Cabdi Shardi

7- Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed

Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ka mid ah xubnaha Guddigan ayaa dhowaan laga qaaday xilka Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddo dheer ay soo aheyd, waana haweeney khibrad iyo aqoon badan u leh arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay xarunta cusub ee uu Jowhar ka furay Cali Guudlaawe? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamadda Ciidanka Puntland oo soo saartay amar ku socda Taliska PSF

Caydiid Ali

Kulan Xasaasi ah oo caawa dhax maray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Waxii looga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---