Hal Abuure Ganacsi oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan aan heebtooda wali la garan ayaa maanta inta u dhaxeysa Isgoosyada Banaadir iyo Digfeer waxa ay ku dileen Maxamed Maxamuud Sheekh Cali  “Dable Pilot” oo ahaa Ganacsade da’yar ah.

Sida aan Wararka ku helnay marxuunka ayaa rasaas lagu furay xili gaari uu watay uu dhiganayay banaanka hore ee Baarka Spaghetti House oo kuyaala inta u dhaxeysa Isgoosyada Banaadir iyo Digfeer.

Rasaas ayaa la sheegay in Marxuunka kaga dhacday dhinaca caloosha iyo qeybo kale oo jirkiisa kamid ah, waxaana loola cararay isbitaal halkaas oo la sheegay in markii dambe ku geeriyooday.

Marxuumka la dilay waxa uu Madax ka ahaa Shirkad Dhalinyaradda ku dhiiri-gelisa Hawlaha Ganacsiga, wuxuuna ahaa Ganacsadihii ugu horreeyey ee Muqdisho ka hirgeliya Goobaha Landariga ee sida casriga ah loogu dhaqo Dharka.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheesan ee loo geesto dadka shacabka ah iyo ciidanka dowlada, waxaana inta badan baxsada dableyda fulisa dilalka qorsheesan ee ka dhaca Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -