Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey shirka Golaha wadatashiga qaran

Waxaa isfaham ku soo dhammaaday maalintii  1aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna kaq qeyb galeen madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Somalia Maxamed Ibrahim Macalimu.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in shirka maanta looga hadlay dardargelinta doorashooyinka si waafaqsan heshiisyadii 17 Sept 2020 & 27 May 2021.

“Sidoo kale, Madaxda ayaa shirka ku kala warqaatay muddadii bisha aheyd ee ay kala maqnaayeen, waxyaabihii qabsoomay ee doorashada la xiriiray iyo horumaradii la gaaray iyo sidoo kale haddii ay jireen caqabado la xiriira qabsoomida doorashada” ayuu yiri afhayeenka.

Macalimu ayaa sheegay in shirku sii socon doono, berina warbixin laga dhegeysan doono guddigii farsamada doorashooyinka ee uu magacaabay RW Rooble, mana jiraan ayuu yiri wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in wax laga bedelayo heshiiskii 17 Septembar.

Hadalka Macalimu ayaa ku soo aadaya xili maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxda golaha wadatashiga ay qorsheynayaan in wax laga bedelo qodobada qaar ee heshiiskii 17 Septembar, kuwaasoo ay ka mid yihiin in labada degaan doorasho ee dowlad goboleed kasta lagu koobo hal degaan iyo in la dhimo tirada ergooyinka dooranaya Xildhibaanada oo horey loogu heshiiyey iney noqdaan 101 xubnood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalka caalamka oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Gaza

Caydiid Ali

Heyadda Duulista rayidka DF oo beenisay Warar la faafiyey (Akhriso)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Gudoomiye Jawaari oo goordhaw Warbaahinta Shir Jaraa’id u qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---