Nin Mindi ku hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka (Sawirro)

Garsoore ayaa amar ku bixiyay in xabsiga lagu hayo nin u dhashay dalka Eritreya oo 27 jir ah ka dib weerar mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday laba arday oo wax ka baranaysay Koonfur-galbeed ee Jarmalka halkaas oo ay ku dhimatay gabadh 14 jir ah, gabadh 13 jir ahna dhaawac halis ah ayaa soo gaadhay, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Talaado.

Ninkan oo lagu eedeeyay inuu weeraray dhalinyarada xilli ay ku sii jeedeen iskuul ku yaalla magaalada Illerkirchberg ee Koonfur-galbeed, ayaa diiday inuu hadlo markii uu ka soo hor muuqday garsooraha isbitaalka halkaas oo lagu daweynayo dhaawac ka dib markii la xiray wax yar ka dib weerarkii Isniintii. Waxaa loo gudbiyay isbitaalka xabsiga, dacwad oogayaasha ayaa sheegay.

Baarayaasha ilaa hadda ma helin “wax macluumaad ah haba yaraatee wax tilmaamaya sabab siyaasadeed ama diineed oo dembigan,” ayuu yiri Thomas Strobl, wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Baden-Wuerttemberg.

Labo nin oo kale oo ay boolisku xireen Isniintii ayaa la sii daayay, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Weerarkii subaxnimo ee lagu qaaday labada gabdhood xilli ay doonayeen in ay raacaan bas iskuul u socday ayaa dhaliyay naxdin iyo caro baahsan.

Gabadha dhimatay ayaa asal ahaan kasoo jeeday dalka Turkiga, safiirka Turkiga ee Jarmalka ayaa booqday qoyska gabadha oo ku nool Illerkirchberg Talaadadii si uu ugu tacsiyeeyo, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu. Waxaa lagu waday inuu booqdo goobta ay ku dhimatay si uu ubaxa uga tago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -