Allbanaadir.com
NEWS

Dil Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maqribnimadii caawa Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in xiligan uusan ku lug laheyn siyaasadaha isdiidan ee dalka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado ku hubeesan rasaas la dhaceen Cadaawe Cabdulle Farey oo kamid ahaa dadka degan Xaafada Arjantiin aadna looga yaqaanay halkaasi.

Kooxihii dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo booliis ah oo halkaasi ka sameeyay baaritaano aan natiijo kasoo bixin.

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ahaa kuwa aad u yar , waxaana magaalada ka howlgalayay ciidamo booliis ah oo dowladu sheegtay in loogu tala galay xaqiijinta amaanka caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Al-Shabaab oo shegay tirada odayaasha & ergadii amarkooda qatay & dil Lagu xukumay askarigi Fududeeyay….

admin

(Akhriso) Natiijada doorashadii ka dhacday degaano ka tirsan Puntland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Deni, ururada siyaasada & Guddiga Doorashada Puntland oo go’aan wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---