Madaxweyne Qoorqoor oo isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo sidan u qorneyd:-

Madaxweynaha Dowladda Galmudug,
Ujeeddo: Isku shaandheyn Wasiirro,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

Markuu Arkay: Qodobka 50aad  Faqradiisa 5aad ee Dastuuka Dowlad Goboleedka Galmudug;

Markuu Arkay:  Baahida loo qabo buuxinta iyo magacaabis wasiiro;

Markuu Aarkay: Muhiimadda dhameestirka Golaha Wasiirada,

Markuu Latashaday: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wuxuu xeeriyay

Iskushaandheyn: Wasiirro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiir-kuxigeenno

Hoos ka akhri liiska wasiirada:

Qodobka 1aad.

1.Garad Yusuf Mohamud  Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda

2.C/llahi  Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen,  Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha

4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman,  Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka

8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta

9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada

10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed,  Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha

12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudah

13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka

14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

15.Shariif C/nuur Barre,  Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

  1. Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta

19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga

20.C/raxman Maxamuud Maxamed  Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka

21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa

22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka

24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta

Qodobka 2aad.

Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Wuuna Saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -