Dowlada Somalia ayaa shaacisay iney howlgal culus ka fulisay degmada Adan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe oo dhowaan ay dib u qabsadeen kooxda Al shabaab.
Qoraal lagu baahiyey warbaahinta DF ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday guri ku yaala degmada oo ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Al shabaab.
“Howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, kaasoo ay shir ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta” ayaa lagu yiri war ay faafisay warbaahinta DF
“Intii uu socday howlgalka, waxaa gurigaas ka kacay dab xooggan, iyadoo la maqlay jug culus oo laga dareemay guud ahaan degmada, taas oo muujinaysa in cadowgu sidoo kale gurigaas u ahaa keydka Qaraxyada iyo Hubka culus” ayaa sidoo kale lagu yiri warka dowlada.
Warbaahinta Dowlada ayaa intaas ku dartay iney dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha weerarkaas ka soo gaaray Al Shabaab oo illaa hadda aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay.