Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay Buugga Danjire Cagabaruur gudoonsiiyey Machadka Diblumaasiyada?

Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa guddoonsiiyay Agaasimaha machadka Tababarada Diblumaasiyadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Cabdiwali Xasan Xuseen (Fadiilatu) buug ka hadlaya sooyaalka dowladda Uganda kaasoo lagu wado in maktabadda Machadka la dhigo.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sheegay in buuggan ka sheekeynaayo taariikhda Uganda si guud, isbadaladii siyaasadeed ee uu soo maray dalka Uganda sidoo kalena buuggan ayaa wata warbixino gaagaaban iyo sawiro cadeynaya sida xiligaas Uganda ahayd iyo sawirada dhammaan madaxdii soo martay dowladda Uganda.

Agaasimaha Machadka Tababarada Diblumaasiyadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiwali Xasan Xuseen Fadiilatu oo maanta soo booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee Kampala ayaa ka mahadnaqay buugga xambaarsan taariikhda Uganda kaasoo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.

Agaasimaha ayaa xusay in buugaagta noocan ah laga doonayo dhammaan danjirayaasha Soomaaliya dibadda u fadhiya si machadka tababarada diblumaasiyadda casharada laga bixin doono qayb uga noqdaan, loogana faaiideysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo shuruudo adag ku xiray Imaanshaha Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Saraakiishii Milatariga ee maanta qaraxa lagu dilay

Cabdi Cade

Wafdigii uu horkacayey Raisul Wasaaraha Somalia oo gaaray Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---