Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal hambalyo ah diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo Daah-furay Shirka dib u eegista Dakhliga guud (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Droupadi Murmu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay safiirka Somalia

Caydiid Ali

Munaasabad xil-wareejin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---