Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xafiiska waaxda Dad-dhigista ee degmooyinka qeybta Galbeed (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Xafiiska Waaxda Dad-dhigista ee Degmooyinka dhinaca Qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir, taasi oo maanta laga furay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax, Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad (Wadaad yare), Agaasimeyaal Guud, kuxigeenada Degmooyinka Wadajir iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xafiiskaan uu adeegyada Dhalashada iyo Sugnaanta uu siin doonno bulshada ku dhaqan Degmooyinka Wadajir, Dharkeenley, Kaxda, Garasbaaley iyo Dayniile, kuwaasi oo horey adeegaan ugu soo doonan jiray xarunta dhexe ee Degmada Wadajir. Iyadoona Duqa furitaanka Xafiiskaan uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee daadijinta Adeegyada Bulshada.

- Advertisement -