Bam caawa lagu Weeraray saldhig Muqdisho ku yaalla iyo khasaare ka dhashay

Bam Gacmeed ayaa caawa lagu weeraray xerada Jen. Gordon ee degmada Hodan oo ku taalla gobalka Banaadir, iyadoo halkaas ay ka dhacday rasaas.

Wararka ayaa sheegaya in xerada oo ay degan yihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya uu weerarkaasi dhaawac ka soo gaaray ilaa todoba askari oo loo qaaday goobaha caafimaadka sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xeradaas.

Raggii weerarka bamka ah geystay ayaa ka baxsaday xeradaas oo aad loo ilaaliyo, iyadoo aheyd xeradii saraakiisha imaaraadka ku tababari jireen ciidamada dowlada, ka hor inta uusan xumaan xiriirka labada dal.

Ammaanka xerada ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo fara badan ay bannaanka u soo baxeen, weerarka kadib inkastoo ay hadda xaaladu tahay mid degan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -