Maalqabeenkii musalafay ee mar labaad doonaya inuu hoos kasoo bilaabo ganacsigiisa!

Wuxuu qasaaray adduun dhan 46-million-yuan ($6.4 million) ninka aad ujeedaan. Maalqabeen ayuu ku noqday da’yaraan. Laakiin hadda wuxuu la qaamoobay deyn la degtay oo looga fadhiyo inuu soo gudo.

Laakiin waxa yaabka leh ayaa ah inuu doortay halkiisii hore inuu mar labaad kasoo bilaabo safarkii maalqabeenimadiisa. Wuxuuna jidadka ku iibiyaa cunnooyin fudud.

Aalaaba dadka musalafa waxaa la arkaa inay ka quustaan ganacsiga oo ay isaga haraan loolanka. Laakiin ganacsadahan shiiday ee Shiineeska ah hadda wuxuu dunida barayaa in haddii la kufo haddana la kici karo.

Markii 35 jir ahaa, Tang Jian, waxaa lagu tirin jiray maalqabeennada dalkiisa. Hayeeshe, kolkii uu doortay inuu maalgelin ku sameysto hal-abuurro kale oo hor leh, maanu fileyn inuu ka qasaari doono.

In kasta oo lagala taliyay inuu ka joogsado maalgelintaas uu ku sameynayay ganacsiyadii cusub, haddana wuxuu doortay inuu u bareero. Hadda wuxuu aqoonsaday inuu ku qaldanaa talooyinkii uu ka dhega-adeygay.

Waxaase lagu amaanaya sida uu mar kale ugu bareeray inuu gunta hoose kasoo bilaabo halganka oo uusan marnaba ka xishoonin duruufaha barida dhulka ugu dhiftay.

Waa 52 jir. Wuxuuna mar labaad doonaya inuu halkaas uu cunnada ku karinayo uu lacagta kasoo baxdo isaga bixiyo deynta lagu leeyahay.

Wuxuu rajaynayaa inuu mar kale si fiican oo waaya’aragnimo u noqdo maalqabeen is huba.

Dad badan oo farriimo ka dhiibtay sheekadiisa ayaa ku tilmaamay halyay dhiirran oo guushiisa iyo guuldarradiisa kala yaqaan. Qaamuuska noloshiisana ka saaray xishood iyo xarago.

Geel baan lahaan jiray waxaa dhaanta digaagad baa ii joogta ayay Soomaalidu tiraahdaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -