Beesha Caalamka oo Shuruudo ku xirtay bixinta Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya wali diidan yihiin in ay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyaga oo la yimid shuruudo.

Beesha Caalamka ayaa horey u balan qaaday in ay bixineyso 60%  dhaqaalaha ku baxaya doorashada, hasa ahaatee beesha caalamka ayaa dib u dhigtay bixinta lacagtaasi kadib markii khalalaase iyo khilaaf ka dhasheen doorashada.

Sida aan xogta ku helnay beesha caalamka ayaa hada bixisay lacag yar oo lagu fududeenayo socodsiinta doorashada, waxaana lacagta harsan oo aad u badan ku xirtay shuruudo ay kamid yihiin in doorashada noqoto mid wada ogol ah oo hufan.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada oo shalay la kulmay Wakiilada beesha caalamka ayey kaga codsadeen mar kale in ay bixiyaan lacagta doorashada ku baxeysa, hasa ahaatee wakiilada ayaa u sheegay madaxda Soomaalida in marka hore xaliyaan khilaafyada doorashada ka jira lana yimaadaan nidaam lagu kalsoonaan karo.

Beesha Caalamka ayaa u sheegtay madaxda Soomaalida in aysan ku qanacsaneyn sida ay hada wax ku socdaan gaar ahaan doorashadii Aqalka Sare oo sheegeen in ay ku bilaabatay musuq maasuq iyo nin jecleysi.

Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada ayaa  Isniintii la kulmay Midowga Musharaxiinta oo kahor yimid habracaii ay soo saareen si ay ugu qanciyaan doorashada iyo habraaca ay soo saareen si beesha caalamka ugu sheegeen in doorashada raali laga yahay.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo lagu waday in mar hore laguda galo ayaa wali u xayiran lacagta laga sugayo beesha Caalamka oo laga yaabo in waqti qaadato, waxa ayna Golaha Wadatashiga iyaguna diidan yihiin in doorashada la qabto iyada oon dhaqaalaha la helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -