Iran & Xisbullah oo wacad ku maray iney ka aargudan doonaan Maraykanka

Dowlada Iran ayaa ku hanjabtay aargudasho darran”, waxayna ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka mid ka mid ahaa taliyayaasheedii sare, Jeneral Qasem Soleimani.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Jeneral Qassem Soleimani lagu dilay weerar dhacay goor dambe oo khamiistii ah kadib amar kasoo baxay Madaxweyne Donald Trump.​

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa xaqiijiyey in Soleimani oo hogaaminayey ciidamada xulka ah ee Quds, lagu dilay duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen agagaarka garoonka diyaaradaha Baghdad.

“Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee waxay ku dhowaaqayaan in Qasem Soleimani uu ku shahiiday duqeyn ay Mareykanka fuliyeen” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.”

Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani.

“In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -