Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka telefanka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in dhigiisa Turkiga uu uga mahad celiyey taageerada uu mar walba la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiga walaalkay Mudane Rajab Dayib Erdogan, anigoo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen, Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaa ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID-19” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa Qalab caafimaad ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Turkiga ayaa 10-kii sano ee ugu dambeeyey ahaa saaxiibka iyo walaalka ugu weyn Soomaalida, iyagoo xaalad kasta oo shacabka Soomaaliyeed la soo derista u muujinayey taageero hagar la’aan ah iyo isgarab taag

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -