Xaliimo yarey oo ka hadashay doorashada kuraas ka banaan golaha shacabka & halka lagu qabanayo

Masuuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ka hadlay doorashada kuraasta ka banaan golaha shacabka ee degaan doorashadooda ay tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Labada kursi waxaa baneeyey Marxuum Khaliif C/llaahi oo geeriyooday iyo Xuseen Cusmaan Xuseen oo hadda ah Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Kursi ka mid ah labada kursi ayuu sheegay guddigu inuu diyaarsan yahay musharaxiintii iyo ergadiina ay diyaar yihiin balse ay ku howlan yihiin diyaarinta ergada iyo musharaxiinta kursiga labaad.

Odayaasha dhaqanka  ayuu guddigu ugu baaqay iney soo gudbiyaan liiska ergada doorashada ka qeyb galeysa.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo-yarey) ayaa sheegtay in doorashada labada kursi ee ka dhaceysa Baydhabo ay ku qaban doonaan waqtiga loogu tala galay.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay magaalada Dhuusomareeb ku qabtay doorashada kursigii uu iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow, iyadoo doorashadii shalay uu ku guuleystay taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -