Dowlad weyn oo u dabaaldeg u sameysay iscasilaada Ra’isul Wasaare Boris Johnson

Dowlada Ruushka ayaa u dabaaldegtay iscasilaada ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ee xilka ka dagaya Boris Johnson.

Boris Johnson, ayaa si joogta ah u taageerayey dagaalka Ukraine ay kula jirto ciidanka Ruushka ee ku soo duuley dalkooda.

Afhayeenka Madaxweyne Putin, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Mr Johnson, aanu jecleyn runta, iyaguna aaney isaga jecleyn

Wuxuu intaa raaciyey in uu rajeynayo in dad xirfad yaqaana, oo ku xeeldheer wada hadalada iney la wareegi doonaan maamulka London.

Afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa saxaafadda u sheegtay in Mr Johnson uu ku lumiyey xilkiisii dhibaato uu isagu bilaabay.

 

- Advertisement -