Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen nin shacab ah oo ka tirsanaa dadka degaanka.

Cumar Khaliif Xasan oo horjooge ka ahaa mid ka mid ah kaamamka barakacayaasha degmada dayniile ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Warar kale ayaa sheegaya in marxuumka uu sidoo kale ka tirsanaa dadka la shaqeeya Maamulka degmada Dayniile gaar ahaan dhinaca arrimaha bulshada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii dilka u geystay marxuumka ay ka baxsadeen goobta ay marxuumka ku qaarajiyeen.

Booliska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka iyagoo halkaas ka wada baaritaano la xiriira kooxihii dilkaas geystay oo baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo goor dhow Al-Shabaab kala Wareegay degmada Aw-Dheegle

Caydiid Ali

Dugsiga Al-xusari ee barashada Quranka oo Wargelin muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Boqolaal arday oo Jaamacado ka baxay oo ku biiraya Booliiska Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---