Sidee Al-Shabaab ugu suuragashay iney weeraraan hotel ku dhow Villa Somalia?

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray galabta howlgal ka dhan ahaa weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Villa Rose ee magaalada Muqdisho oo ku dhow xarunta Madaxtooyada.

Weerarkan ayaa ku soo aaday xilli bilihii lasoo dhaafay uu sii xoogeysanayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyo beeleedyo is abaabulay.

Xogta ku saabsan weerarka ayaa la iska weydiinayaa aagga uu ku yaallo, sida ay ku suurtagashay in la weeraro, mas’uuliyiinta xilligaas ku sugnaa iyo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhow ayaa amnigooda si weyn loo sugaa, hoteelka Villa Rays-na waxa uu ka mid yahay goobaha sida weyn amnigooda loo sugo.

Taas kama hor istaagin Al-Shabaab in ay weerar ka fuliyaan hoteelkan, iyadoo dad badan isweydiinayeen sida ay ugu suurtagashay kooxdu in aagaas weerar ka fuliso

Jen. Cabdullaahi Aaadan Xuseen “Cirro” oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in weerarkan ay ujeedadiisu ahayd sidii Al-shabaab ay isaga qafiifin laheyd weerarada kaga socda gobolada dhexe, ayna warbaahinta uga saari laheyd wararka ku saabsan khasaaraha ka soo gaaray weerardaas.

“Dadkani waa dad adiga kula mid ah, kugu af ah, kugu midab ah, ka mid ah dadka Soomaaliyeed. Marka waa dad khaldan oo adiga kugu dhex nool. Masaajiddada ayey kula joogaan, meelaha aad joogto wey kula joogaan,” ayuu yiri.

“Mas’uuliyadda dowladda ayey saaran tahay, ayaga ayaana laga rabaa in haddii Alle idmo aysan dhicin waxa iyo wax la mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ganaraal Cirro oo dhanka kale ka hadlay ujeeddada Al-Shabaab ee weerarrada noocan ah yaa yiri: “Nimankan wey ku talo galeen in ay cimri dherer ka dhigtaan in hotel la weeraro iyo in xarun dowladeed la weeraro, keliya waxay daneynayaan dhawaqaas qaraxa dhacay.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -