Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo Diyaarisay ciidamo badan oo difaaca Biyo xireenka Muranka abuuray

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidamo badan oo difaaca biyo xireenka muranka badan abuuray, xili ay sii kordheyso xiisada biyo xireenka ka dhashay ee u dhaxeeya dowladaha Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Warbaahinta dowlada Itoobiya taageerta ayaa sheegay in heegan buuxa la galiyay Ciidamada Itoobiya si ay u difaacaan wajiga labaad ee buuxinta biyo xireenka aadka u weyn, ee wabiga nile.

Gen Asrat Denero, oo ah madaxa qeybta Metekel ee gobolka Beninshangul Gumuz, uu kuyaalo biyo xireenka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya diyaar u yihiin saacad kasta sidii ay u difaaci lahaayeen biyo xireenka .

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay iney qorsheyneyso iney buuxiso biyo xireenka, inkastoo ay taasi cabasho ka muujiyeen dalalka Sudan iyo Masar, iyagoo ka cabsi ka qaba in talaabadani ay hoos u dhigto qeybta ay ka helaan qulqulka biyaha wabiga Nile-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Maqaayado Waa weyn oo la xiray kadib markii ay ka cunteeyeen Haween aan xirneen ….

Cabdi Cade

Mareykanka oo cabsi hor leh lasoo daristay kadib markii dalkaasi uu gaaray bahal dadka dila

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---