Iran oo ka carootay sawir uu baahiyey xiriirka kubada Cagta ee Mareykanka

Xiriirka kubadda Cagta ee Iiraan ayaa ka caroodey sawir ay baahiyeen xiriirka kubada Cagta ee Mareykanka. xili labada xul ay ka wada qeyb galayaan tartanka kubada cagta ciyaaraha aduunka ee ka socda Qatar.

Carada Iran ayaa timid ka dib markii Xiriirka kubadda Cagta Mareykanka uu baahiyay sawirka calamada wadamada guruubka B, iyagoo calanka Iiraan ka saaray kalmada “Allah” ee dhexda kaga taal.

Iiraan ayaa arintaasi ku tilmaantay Ficil ka baxsan kubada Cagta iyo xeerarka caalamiga ah” waxayna FIFA ugu baaqeen iney talaabo adag ka qaado xulka Qaranka Mareykanka.

Iiraan iyo Mareykanka ayaa kuwada jira Guruubka B, waxayna iswajahayaan kulanka ugu dambeeya ee guruubkaasi, ciyaartaasoo aad loo wada sugayo.

Xiriirka labada dowladood ayaa waxaa hareeyey mugdi fara badan, iyadoo Iran ay aragto Mareykanka iyo Israiil cadowgeeda koowaad, halka mareykanku uu dhankiisa Iran  u arko iney halis ku tahay amniga bariga dhexe gaar ahaan Israel.

HOOS KA DAAWO SAWIRKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -