Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo kawada hadlay arrimo muhiim ah (Sawirro)

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Abshir Jaamac Huruuse ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Cabdalla Bin Zayid .

Kulanka dhax maray labada wasiir ayaa intii uu socday waxa ay  diiradda ku saareen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa , waxa ay sidoo kale kawada hadleen arrimo badan oo labada dal quseeya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid ayaa sheegay in  ay go’antahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa si u adeegeysa xaqiijinta danaha labada dal, isla markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac, ayaa xaqiijyay in Soomaaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ew heer gobol iyo caalamaba.

Waxaa kulanka labada wasiir goobjoog ka ahaa Sheekh Shakhbuut Bin Nahyan Aala Nahyaan oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -