Ajaaniib looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo la qabtay

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay rag ajaaniib ah oo looga shakisan yahay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab , kuwaa oo lagu qabtay deegaan hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Raggan ajaaniibta ah ee ciidamada ammaanka Galmudug qabteen ayaa la sheegay in tiro ahaan gaarayaan ilaa 20- nin, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan ajaaniibtan la qabtay iyo waxa ay ahaayeen.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in ragga la qabtay ay kasoo kala jeedaan dalalka Pakistan iyo Iran, waxa uuna xusay guddoomiyaha in ragan aysan wadan wax hub ah xilliga la qabanayay.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in wareysiyo lala yeeshay ajaaniibtan la qabtay ay ku sheegeen inay yihiin kalluumeysato u afduubnaa Al-Shabaab oo laga soo daayay, waxa uuna xusay in ragan baaritaano lagu sameenayo si xaqiiqada loo ogaado.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin ragan ajaaniibta ah ee la qabtay oo warar soo baxaya sheegayaan in ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab , kuwaa oo doonayay in ay doon ka raacaan gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -