Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsan Dowlada Somalia oo xabsiga la dhigay iyo Sababta ka dambeysa

Sida ay Baahisay Wakaalada Wararka u faafisa Dowlada Soomaaliya ee Sonna ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Agaasime katirsan Wasaarada Gar gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya.

Ciidamo katirsan dowlada ayaa xalay gurigiisa kala baxay Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha ee Wasaarada Gar gaarka Daahir Maxamed Nuur, ciidamada ayaa sidoo kale horey usii qaatay Cumputer iyo agabyo kale uu lahaa Masuulkna.

Wakaalada Wararka Sonna ayaa sheegtay in Agaasimahan ku xiran yahay xarunta Dambi baarista CID-da, waxa ayna wakaaladu sheegtay in Agaasimahan uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).

Masuulkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee la cadeeyo in loo xiray Musuq maasuq, waxaana Xukuumada Kheyre marar badan ku cel celisay in ay la dagaalameyso Musuq maasuqa iyo eexda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo mar kale ka hadlay kiiska Ikran Tahliil amar cusubna siiyay Maxkamada Ciidamada

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Villa Somalia ku saxiixay..

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Shacabka BFS?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---