Ciidanka Dowlada oo loogu deeqay Qalabka lagu keydiyo Cuntada 

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan Milatariga iyo Booliiska ugu deeqay qalabka lagu keydiyo Cuntada ciidamada isticmaalaan iyo sahayda kale ee muhiimka ah.

Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka raashiinka ay Ciidamadu Isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay Millitariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay Boliiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM deeqdan Ciidan, wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen Ciidamadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa isna aad ugu mahadceliyay AMISOM taageerada joogtada ah ee ay u fidiso , wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee howlgalka midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay doorkii ay ku lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dhiirigelinta iyo taageeridda Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -