Jubbland oo xabsiga dhigtay odayaal dhaqameedyo caan ah & Xog ku aadan sababta

Muddo labo todobaad ka badan waxaa ku xiran Magaalada Kismaayo saddex oday dhaqameed oo ka mid ah dhaqanka ugu caansan Jubbaland ka dib markii uu xabsiga dhigay Maamulka Axmed Madoobe

Odayaashan oo ka soo jeeda beesha Hartiga ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun).

Xarigooda ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay ka soo laabteen degmada Jilib oo ay u tageen xalinta xarig ay Al-shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Odayaayshan ayaan weli wax maxkamad ah la gayn, iyadoo maamulka Jubaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda.,

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ka gaabsaday magacooda ayaa sheegay in  odayaasha xiran ay jebiyeen amar horey uga soo baxay Maamulka Juballand oo ahaa inaan lala macaamilil karin Maxkamadaha ku yaalla degaanada Al-Shabaab.

Xarig iyo masaafurin odayaal qaarkood ka aragti duwan Maamulka Axmed Madoobe ayuu horey ugu kacay Maamulka Jubbaland, lamana oga odayaasaha xiran arinkooda uu ku dambeyn doono

- Advertisement -