Ciidamadii maanta qabsaday Xarunta Golaha Shacabka oo la sheegay in Maxkamad la soo taagayo

Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Milateriga, Nabad sugida iyo asluubta oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay cida ka dambeysay inuu baaqdo fadhigii golaha shacabka ku yeelan lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen in kulankii golaha shacabka ee maanta uu u baaqday sababo la xiriira ciidamo ay wateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Max’ed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad oo qabsaday Xarunta Baarlamanka.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in ciidamada ay wateen labadan masuul ay ahaayeen Milateri iyo kuwo dharcad ah oo aan la aqoon halka ay ka yimaadeen, kana mid aheyn talisyada ciidamada.

Waxay xuseen iney socdaan baaritaano la xiriira ciidamadaas, iyagoo balan-qaaday in xabsiga la dhigi doono, Maxkamadna ay soo taagayaan, maadaama bay yiraahdeen ay ku xad gudbeen shuruucda iyo qawaaniinta dalka, ayna xasarad kan abuureen xarunta Baarlamanka.

Guddoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad ayaa saaka ciidamo fara badan oo aad u hubeysan la tagay xarunta golaha shacabka, kuwaasoo khal-khal iyo xiisad ka abuuray halkaasoo, isla markaana sababay in xildhibaanadu ay baajiyaan kulankii ay halkaas ku yeelan lahaayeen.

Qorshaha Jawaari iyo ku-xigeenkiisa ayaa ahaa iney baajiyaan kulanka ay halkaas ku yeelan lahaayeen xildhibaanadii Mooshinka ka keenay oo doonayey iney ka doodaan ka dibna cod geliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -