Guddoomiye Filish oo soo saaray amar ku socda Hotelada & Safaaradaha degan Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa soo saaray amarkiisii ugu horeeyey tan iyo intii xilka la wareegay maalmo ka hor.

Cumar Filish ayaa ku amray hotelada iyo safaaradaha degan bartamaha Muqdisho iney furan jidadka ay xirteen, isagoo xusay in jid la xiro aan lagu sugi Karin bulshadana ay dhibaato ku tahay.

“Waxaan u sheegayaa xarumaha mas’uuliyiinta dowlada JFS, wasaaradaha, Hoteelada, iyo Safaaradaha u xiran wadooyinka magalada muqdisho in ay furaan si iskooda ah inta uusan talaabo qaadin Maamulka Gobolka Banaadir majiri doonto wado xiran amnina laguma sugi karo in shacabka laga xiro wadooyinka” ayuu yiri Cumar Filish oo qoraal kooban caawa soo dhiugay bartiisa facebook.

Waxaa uu u sheegay shacabka Muqdisho in la gaaray waqtigii la furi lahaa wadooyinka xiran sida ugu dhow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa balan-qaaday markii uu xilka la wareegayey inuu furi doono jidadka xiran ee Muqdisho, hase ahaatee dad badan ayaa isweydiinaya sida ay taas ku suurageli karto, maadaama weeraradii iyo qaraxyadii Al-shabaab ay weli ka dhacaan caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -