Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isimada Puntland oo ka hor yimid go’aankii Madaxda DF looga Mamnuucay Garoowe

Guriga Islaan Ciise ee magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta shir ku yeeshay, qaar ka mid ah isimada iyo murashixiinta xilka Madaxtinimada Puntland.

Afhayeenka Murashixiinta madaxtinimada Puntland, Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale)  ayaa sheegay in shirka murashixiinta iyo isimada looga hadlay, arrimaha doorashada oo ay ka mid yihiin amniga, wada-shaqeynta iyo hufnaanta doorashada, islamarkaana la isku’ waafaqay dhammaan qodobadaasi.

Dhinaca kale suldaan Bashiir Muuse Koonte oo dhinaca isimada u hadlay ayaa halkaasi ka sheegay in laga noqday go’aankii madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka looga mamnuucay in ay Puntland soo galaan inta doorashadu socota, kadib markii sidu uu sheegay ay isimadu la kulmeen madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Puntland.

Suldaanku wuxuu intaasi raaciya in sidoo kale aysan jirin xannibaad la saaray lacagaha xawilaadda ah ee la isu’diro.

Shirka ayaa wax ka qeyb galay ilaa 30 murashax oo u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland iyo qaar ka mid ah isimada oo uu hoggaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo amartay la soo xiro agaasime loo heysto musuq, lana xanibo akoonkiisa

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo yeeshay shirkoodii ugu horeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo duqeysay qunsuliyada France ee Gaza iyo cambaareyn ka dhalatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---